Waxaa sharaf noo ahayd in aan ku marti gelinno Taxanaha 1aad ee waaya-arag Dr. Cabdullaahi Cilmi Maxamed, oo si qoto dheer u falanqeeyay taariikhda Soomaaliya laga soo bilaabo xilligii hore, gumeysiga, iyo xornimada kadib. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhalinyaradu si sax ah u fahmaan taariikhdooda, ka fogaadaan marin-habaabinta, dood furan ka yeeshaan taariikhdooda, kana shaqeeyaan dib u dhiska midnimadooda iyo aqoonsigooda bulsho.
Barnaamijka wuxuu lahaa qeyb su’aalo ah oo ay bulshada si toos ah ugu weydiinayeen Dr. Cabdullaahi Cilmi Maxamed, wuxuuna si waafi ah uga jawaabay su’aalihii la xiriiray taariikhda, hoggaanka, iyo sida dhalinyaradu u fahmi karaan waaqicooda.
Marti-sharafta barnaamijka ka qeybgashay waxaa kamid ahaa
Barnaamijka waxaa si rasmi ah u soo xiray Dr. Xuseen Yusuf Ladane, oo ah Agaasimaha Howlaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Soomaaliyeed. Wuxuu uga mahadceliyay ka qeybgalayaasha iyo martida. Wuxuu sidoo kale tibaaxay waxtarka ay barnaamijkan u leeyahay kobcinta garaadka dhalinyarada, Una ballan qaaday in bulshada uga faaiideyn doonaan Aqoontooda & waayo-aragnimooda Ku aadan Hogaanka iyo Hal-abuurka.
Ugu danbeeyn Xarunta Arkaan iyo Machadka SIP waxay si wadajir ah ugu mahadcelinayaan dhammaan ka qeybgalayaashii iyo marti-sharaftii barnaamijka ka soo qeybgashay.
